spot_imgspot_imgspot_img

Maalin kaddib marki uu ka badbaaday isku day dil Donald Trump oo gaaray magaalada Milwauke.

Isniin 15 July 2024 {HMC} Maalin kaddib marki uu ka badbaaday isku day dil, ayuu madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump Axaddii shalay gaaray magaalada Milwaukee ee gobolka Wisconsin, halkaas oo uu maanta oo Isniin ah ka furmayo shirweynaha guud ee xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka.

Trump oo ah 78 jir ayaa ka badbaaday isku day dil, kaddib marki uu wiil 20 jir ahaa oo marki danbe ay ciidamada dileen, uu meel fog kasoo toogtay.

Rasaasta ayaa ka haleeshay qeybta sare ee dhagta midig. Wuxuu u khudbeynayay taageerayaashiisa gobolka Pennsylvania oo ah gobol muhiim u ah doorashada madaxtinimada Mareykanka.

Shirkaan oo lasoo gaba gabeyn doono Khamiista ayaa waxaa lagu wadaa in si rasmi ah loogu caleemo saaro Trump, murashxanimada xisbiga Jamhuuriga, sidoo kale waxaa la filayaa in Trump uu halkaasi uga dhawaaqo qofna uu u xulan doono madaxweyne ku xigeenka, haddii uu doorashada soo socota ku guuleysto.

Doorashada madaxtinimada Mareykanka oo dhici doonta 5-ta bisha November ee sannadkaan. Ayaa waxaa ku loolamaya madaxweynaha xiligan Joe Biden oo dimqraadi ah iyo madaxweynihi ka horreeyay Donald Trump oo Jamhuuri ah.

WARARKA