Axad, 14 July, 2024 (HMC) Xulalka Spain iyo England ayaa isaga hor imanaya tartanka Euro 2024 iyada oo labada xul isha ku hayaan ku guulaysiga koobka.
Xulka Spain ayaa yimid Final-ka tartanka kadib markii ay garaaceen xulka France wareegii Semi-final-ka tartanka.
Dhinaca kale xulka England ayaa soo dhaafay xulka Netherlands wareegii Semi-final-ka tartanka.
Kulanka: Spain Vs England
Tartanka: Euro 2024 Final
Wakhtiga: 10:00
Garoonka: Olympiastadion Berlin
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Kani waa kulankii seddexaad ee Spain iyo England ku kulmaan Tartanka Euro 2024 iyadoo England ay 2-1 ku badisay 1980-kii group-kii
Marxaladda, ka hor inta ayna rikoodhayaal 4/2 ah kaga badin Spain sanadkii 1996 kadib ciyaar ku dhamaatay.
England ayaa ku guuldareystay inay gool ka dhaliyaan seddex ka mid ah afartii tartan ee ugu waa weynaa
(Koobka Adduunka/EURO) oo ay la ciyaarayaan Spain, iyadoo labadii kulan ee ugu dambeeyay ay sidan oo kale ahaayeen
labada kulan waxay ku dhammaysteen 0-0 (Koobka Adduunka 1982, EURO 1996).
Spain ayaa kaliya laga badiyay afar ka mid ah 14-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay wajaheen England
tartamada (W7 D3), iyagoo todoba guuldaro oo xiriir ah kala kulmay xulka Egland ka hor kulankan.
England ayaa 3-2 ku badisay markii ugu dambeysay oo ay wajahaan Spain tartanka UEFA Nations League bishii October ee sanadkii 2018 laakiin marna 2 kulan oo xidhiidh ah kagama badin Spain tan ilaa 1960 iyo 1980.