Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

maamulka Gubadleey oo Beeniyay in Saldhig booliis uu la wareegay Saney Cabdulle

Sabti, 13 July, 2024 (HMC) Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar lagu baahiyay warar sheegayay in saldhigii ciidanka booliiska degmada Gubadley ee gobolka Banaadir , uu la wareegay, Saney Cabdulle oo katirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka awood badana ku leh degmadaasi cusub.

Wararka la faafiyay ayaa sheegayay in ciidanka Saney Cabdulle gabi ahaan la wareegeen saldhigga kana eryeen ciidankii booliiska ee joogay, sidoo kale ciidamada tirtireen astaamihii booliiska ee ku qornaa saldhigga Gubadley.

Warkan markii uu soo baxay kaddib ayaa maanta waxaa saldhigga degmada Gubadley tagay taliyaha qeybta booliiska gobolka Banaadir Macalin Mahdi, guddoomiyaha degmada Gubadley iyo sidoo kale korneel Saney Cabdulle sargaalkii la sheegay in uu la wareegay saldhigga.

Guddoomiyaha degmada Gubadley oo warbaahinta kula hadlay gudaha saldhigga ayaa been abuur ku tilmaamay warka la faafiyay, waxa uuna sheegay in saldhigga ay joogaan ciidankii booliiska ee loogu tala galay warka la faafiyayna ay tahay waxba kama jiraan.

 

WARARKA