spot_imgspot_imgspot_img

Isku dhex yaac iyo jahawareer ka taagan galbeedka Qasa oo taangiyada Israa’iil isaga baxeen

Jimco, Luulyo, 12, 2024 (HMC) –  Jahwareer iyo qalalaase ayaa ka jira galbeedka magaalada Qasa ka dib markii taangiyada Israa’iil ay isaga baxeen halkaa oo ay ka wadeen cidamada dhulka howlgal laba maalmood. Kahor howlgalka, milatariga Israa’iil ayaa ku amray dadka deegaanka in ay isaga guuraan markii labaad muddo sagaal bilood gudahood ah.

Dadka deegaanka ay ku jahwareersan yihiin in amarka ka bixitaanka aaggaas uu weli jiro iyo in kale.

Kooxaha gurmadka ayaa isku dayay in ay gaaraan deegaanka, iyadoo la soo sheegayo in meydadku ay waddooyinka yaallaan ka dib laba maalmood oo dagaal xooggan uu socday. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay isku dayayeen in ay burburiyaan awoodda milatari ee Xamaas, gaar ahaan – sida ay sheegeen – xarun ay Qaramada Midoobay ku leedahay galbeedka magaalada Qasa.

WARARKA