Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wasiirka Amniga Gudaha oo kulan la qaatay Cabdullaahi Bin Salem

Arbaco 10 july 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil {Fartaag}, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr Cabdullahi Bin Salem Al Nuaimi.

Labada masuul ayaa isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xiriirka labada dal, xoojinta taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka Amniga oo uga mahadceliyey taageeradooda, ayaa sheegay in dowladda Qatar ay tahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ka taageerada dhinacyo kala duwan oo horumarinta dalka ah, iyada oo ay muhiim tahay in Wasaaraddu ay si dhow ugala shaqeyso sidii ay usii xoojin lahaayeen taageeradooda ku aaddan hey’adaha amniga ee hoostaga Wasaaradda.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya , waxa ayna dowladda ka taageeraan dhinacyo badan sida amniga iyo fulinta mashaariicda horumarineed.

WARARKA