Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada xoogga oo Howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al Shabaab Kawado Jubbaland

Arbaco 10 july 2024 {HMC}  Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa saaka oo Arbaco ah howlgal dib u xoreyn ah ka wada deegaannada Harboole iyo Weelmaro oo u dhow degmooyinka Afmadow iyo Xagar ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida aan wararka ku heleyno howlgalka oo ah mid qorsheysan ayey ciidamada ku baacsanayaan dagaallamayaal ku sugan deegaannada howlgalka ka socdo, waxa ayna ciidamada doonayaan in aagaasi ka saaraan kooxda Al Shabaab.

Ciidamada huwanta ah ayaa howlgalka ay saakay bilaabeen la sheegay in horudhac u yahqy howlgallo la doonayo in maalmahan kooxda Al Shabaab looga saaro degmooyinka Xagar iyo Jamaame iyo sidoo kale deegaanno kale oo kooxdaasi maamulaan.

Kooxda Al Shabaab ayaa si buuxda gacanta ugu heysa gobolka Jubbada Dhaxe, waxa ay sidoo kale kooxdaan maamushaan deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Jubbada Hoose, waana saldhigga ugu weyn Al Shabaab gobolada Jubbooyinka.

Ciidanka dowladad Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaana dhawaan Al Shabaab kala wareegay deegaanka Buulo-Xaaji oo fariisin muhiim u ahaa kooxdaasi, waxa ayna ciidamada hadda wadaan dhaqdhaaaqyo kale ay ku doonayaan in ay kula wareegaan deegaanno hor leh.

WARARKA