Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ruushka oo duqeyn lagu hoobtay ka geystay Kyiev

Isniin 08 julay 2024 {HMC} Ruushka ayaa gantaallo badan ku garaacay caasimada Kyiv iyo magaalooyinka kale ee Ukraine, weerar dhif iyo naadir ah oo lagu dilay ugu yaraan 20 qof guud magaalooyinka ay gantaalada ku dhaceen.

Qayb ka mid ah gantaalada ayaa ku dhacay iskuul ay wax ku bartaan carruurta.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskiy ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay soo rideen in ka badan 40 gantaal oo lala beegsaday magaalooyin kala duwan.

waxaa uu sheegay duqeyntaas ay waxyeelo u geysatay kaabayaashii dhaqaalaha, ganacsi iyo Dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla magaalooyinka kala duwan ee Ukraine.

Weerarkan ayaa loo qaatay inuu jawaab u ahaa gantaalada Mareykanka iyo NATO ee dhowaan ay Ukraine ku weerartay xeebta Crimea.

WARARKA