Isniin 08 julay 2024 {HMC} Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo ka tirsan Golaha shacabka Baarlamanka Somalia ayaa cambaareeyey falkii Ciidanka dowladda Soomaaliya ay saaka kula jarmaadeen xaafada Dabdamiska ee degmada Wadajir, k,uwaasoo burburiyay dhismayaashii laga dhax dhistay xerada Dabdamiska, waxayna si qasab ah halkaasi uga saareen shacabkii deganaa.
Qaar kamid ah guddigii odayaasha ee loo xil saaray kiiska xaafada Dabdamiska ee magaalada Muqdisho ,ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Soomaaliya in ay uga baxeen ballamo dhowr ah oo dowladda la gashay odayaasha.
Shacabka xaafadaasi degan oo intooda badan hurdo ku jiray ayaa albaabada loogu garaacay, waxaana lagu wargaliyay in carruurta iyo alaabaha ay kala bixi karaan guryaha kala baxaan, waxaana markaasi kaddib guryaha la galiyay baldoosar burburin ku bilaabay.
Dadkii saaka xoogga looga saaray xaafada Dabdamiska qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la gaadday oo guryaha loogu soo galay iyagoo hurda, waxayna sheegeen in ciidamada ammaanka ay si xun ula dhaqmeen.
HOOS KA AKHRISO HADALKA XILDHIBAAN C/RAXMAAN C/SHAKUUR
Danyarta shacabka ah ee maanta guryahoodii laga barakiciyey, iyo maytadii toddobaadyo ka hor xabaalaha laga soo fagaay amar Madaxweyne ayey ku dhaceen. Amarkiisa ayaa dhul dowladdu leedahay ganacsato looga iibiyey, siyaasiyiin iyo Xildhibaanno lagu laalushay,
Ma jiro xeer loo cuskanayo ama sharci loo raacayo bixinta dhulka, barakicinta shacabka iyo faagidda qubuuraha. Ma jiro garsoor madaxbannaan oo amar maxkamad ku joojin kara go’aanka Madaxweyanah, mana jiro Baarlamaan la xisaabtami kara xukuumadda. Waxaa dhulka laga iibiya, la siiyaa ama laga kireeyaa ciddii Madaxweynaha la shirko ah, taageersan, ama qaraabo la ah.
Waxaa banaan in la helo;
1- Awood shacab iyo abaabul dadwayne oo lagu hor istaago
2- In la magacaabo, lana canbaareeyo ganacsatada, siyaasiyiinta iyo Xildhibaannada shuraakada kula ah dulmiga iyo boobka hantida.
3- In la isku diyaariyo markii muddo xileedkiisa dhammaado, burinta go’aannadii sharci-darrada ahaa ee hantida qaranka lagu bixiyey.