Isniin 08 julay 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee Asmara waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki.
Labada Madaxweyne ayaa yeelan doona kulan ay kaga wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimo badan oo muhiim u ah iskaashiga labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan safarro shaqo ku tagay dalka Eritrea oo lagu tababaray ciidamo badan , waxaana labada dal xiriirkoodu yahay mid kasii wannaagsanaaya sidii hore.