spot_imgspot_imgspot_img

Guddigii Odayaasha Dabdamiska oo Sheegay in Dowladda ballantii uga baxday

Isniin 08 julay 2024 {HMC}  Qaar kamid ah guddigii odayaasha ee loo xil saaray kiiska xaafada Dabdamiska ee magaalada Muqdisho ,ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Soomaaliya in ay uga baxeen ballamo dhowr ah oo dowladda la gashay odayaasha.

Odayaashan oo warbaahinta maanta la hadlay ayaa sheegay in lagu soo duulay shacabkii deganaa xaafada Dabdamiska, waxa ayna sheegeen in shacabka la gaarsiiyay dhibaatooyin xooggan lana burburiyay hantidii ay lahaayeen.

Waxa ay sheegeen odayaasha warbaahinta la hadlay in horey u jireen ballamo ay dowladda la galeen oo ahaa in dhul kale oo ay degaan la siinayo dadka laga barakicinayo xaafada Dabdamiska, hasa ahaatee iyada oo ballantii aan la fulin shacabka la barakiciyay.

Odayaasha ayaana ugu baaqay madaxda dowladda in ay ka garaabaan dhibka maanta ka dhacay xaafada dabdamiska ee ah dadka dhibaatada la gaarsiiyay iyo sidoo kale hantida la burburiyay, waxa ayna waxa maanta dhacay ku tilmaameen fal-dambiyeed.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa saakay ku jarmaaday xaafada Dabdamiska ee degmada Wadajir, ciidamada ayaana burburiyay dhismayaashii laga dhax dhistay xerada Dabdamiska, waxa ayna si qasab ah halkaasi uga saarayeen shacabkii deganaa.

WARARKA