Saturday, October 5, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada Dowladda oo Howgalo ka sameyay Gobolka shebalaha dhexe.

Sabti 06 julay 2024 {HMC} Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah kooxda AS ka bilaabay inta u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamadan oo dhawaan la wareegay xeryihii ay halkaas ku lahaayeen ciidamada ATMIS ayaa haatan howlgallo ka wada halkaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Ujeedka ayaa ah in ciidamadu ay xaqiijiyaan amniga waddadaas oo ay inta badan weeraro dhabagal ah ka fuliyaan kooxda AS.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ayaa sheegay inay gaareen deegaano horleh, isla markaana ay isku furi doonaan waddooyinka Balcad iyo Jowhar, si loo xaqiijiyo amniga.

AS ayaa ku sugan deegaanada u dhexeeya labadan magaallo, waxayna taasi saameyn ku yeelatay isku socodka tooska ah ee caasimada Muqdisho iyo HirShabelle.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Balcad oo ah halka ay ka dhaqaaqeen ciidanka dowladda.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli ka socoda guluf ka dhan ah AS, waana halka uu ka billowday wajiga koowaad dagaalka ay hoggaamineyso dowladda Soomaaliya

WARARKA