Saturday, October 5, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Qasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaal beeled ka dhacay Gobolka Gedo.

Sabti 06 julay 2024 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan dagaal beeleed uu kasoo cusboonaaday degmada Luuq ee gobolkaasi, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyeed intaba.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa Jimcihii shalay ka qarxay bartamaha magaalada, waxaana illaa iyo hadda dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa gudaha magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka bilowday laba askari oo kamid ahaa ciidamada deegaanka, kuwaas oo murmay, kadibn goobta lagu dilay mid kamid ah, sida ay sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ugaas Cabdirashiid Ugaas Bilow Ugaas Xandulle oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaanka ayaa VOA uga warramay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in dagaalka lagu dikay ugu yaraan 5 qof oo mid ay tahay haweeney, sidoo kale la dhaawacay 3 kale.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in la gubay suuqii weynaa ee degmada iyo kaam barakac oo ku yaalla halkaasi, kadib markii ay faraha ka baxday xaaladda guud.

“Waxaa dhacday marka in la gub ay meel kaam ah oo dad barakacayaal ah ay dagan yihiin adigu dhimashadu waa illaa 5 qof iyo saddex dhaawac ah ayaa la sheegayaa waxaa kale oo la gubay bacadlihii waynaa ee magaalada” ayuu yiri Ugaas Cabdirashiid Ugaas Bilow.

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in dagaalkan kahor Luuq ay ka taagnayd xiisad ka dhalatay muran ka dhashay dhul ku yaalla degmadaas oo ay isku qabsadee 3 beelood.

“Maalmahan dhul baa la’isku haystay magaalada dhexdeeda oo beel baa lahayd anagaa lahayn, laba beel oo kalena waxa dheheen waxbaa ka leenahay” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn Ugaas Cabdirashiid Ugaas Bilow ayaa baaq nabadeed u diray dhinacyada isku haya degmada Luuq, wuxuuna ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan, ayna wada-hadlaan.

Annaga haddii aan nahay odayaasha waxaan ku baaqeynaa in la joojiyo dagaalka iyo dhibaatada kasoo korortay degmada Luuq” ayuu mar kale yiri Ugaas Cabdirashiid.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli is horfadhiya maleeshiyaadka ku dagaalamay halkasi, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo kan Jubbaland.

WARARKA