Saturday, October 5, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ninkii hore u hoggaamin jriey xisbiga shaqaalaha oo isla xisbigiisii ku garaacay doorashada UK

Jimco 05 julay 2024 {HMC} –  Subaxan saaka doorashada UK casharro iyo sheekooyin badan ayaa ka qormaya.

Aqalka westminister ee Baaralamaanka dalkaas, waxaa ku wejajahan laba nin oo culculus.

Waa Jeremy Corbyn, oo afartan sano xildhibaan ahaa oo mar kale soo laabtay, markan waxa uu kursigiisa ku soo garaacay, xisbigii uu hoggaaminayey doorashadii tan ka horraysay.

Sir Keir Starmer, marka uu xilka qabto waxa ay is mudan doonaan saaxiibkiisii uu xilka kala wareegay oo aqalkaas fadhiya markan, kuraasta mucaaradka, ma aha kuwii Xisbiga Shaqaalaha ee muxaafadka.

Ninka labaad waa ee ku aaddan aqalkaas Nigel Farage, oo xildhibaan noqonaya sided jeer oo isku deyey helitaanka kursigaas.

Halka raggaa odoyaasha ah soo aqalka baarlamanaka iman doonaan, siyaasiyiin waaweyn oo Consertive-ka ayaa kuraastoodii waayaya.

WARARKA