Saturday, October 5, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgal ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

khamiis 04 julay 2024 {HMC} Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgal sifeyn ah oo ay ka sameeyeen deegaanka Nuur gare ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, islamarkaana tiro intaas ka badan lagu dhaawacay.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan oo ku sugan furimaha hore dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xubnaha Al-shabaab ee howlgalka lagu dilay ay ku dhuumaaleysanayeen deegaankaas.

Howlgalkaan lagu dilay xubnaha ka tirsanaa Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalintii sadaxaad madaxweynaha Soomaaliya uu ku sugan yahay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo uu u tagay madaxweynaha dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ugu dambeyntii Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Xoogga dalka ay gacanta Al-shabaab ka soo furteen ku dhowaad 20 gaari oo kooxdu ka rabtay iney ka qaadato lacago madax furasho ah.

WARARKA