Sunday, July 7, 2024
spot_imgspot_img

Puntland & Galmudug oo isku keenay odayaasha beelihii dhawaan ku dagaalamay deaganada labadaas maamul.

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ku guulaystay in ay isu keenaan odayaasha iyo waxgaradka labadii beelood oo dhawaan ku dagaallamay galbeedka Gobolka Mudug.

Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Puntland oo isugu jira xildhibaanno iyo wasiiro ay weheliyaan maamullada heer gobol iyo heer degmo iyo saraakiil ciidan ayaa gogol nabadeed oo hordhac ah isugu keenay odayaasha labada beelood.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in ay ku guulaysteen isu keenidda odayaasha labada dhinac si looga wada-hadlo xallinta colaadda ka taagan galbeedka Mudug.

“Waxaan ku guuleysanay inaan isku keeno Waxgaradka labada Beelood ee walaalaha, si looga wada-hadlo colaadda ka taagan Galbeedka Gobalka Mudug” ayuu yiri wasiirka Maaliyadda Puntland.

Tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii ay labada dhinac ka hirgashay xabbad-joojintii laga sameeyay degaannadii lagu diriray ee galbeedka Gobolka Mudug.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland’Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq,

Axad 07 julay 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland'Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq, HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada

Axad 07 julay 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA