Sunday, July 7, 2024
spot_imgspot_img

Dad ka badan 100 qof oo ku dhintay mashaqo ka dhacday India

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dad ka badan 100 qof ayaa ku dhimatay isbuurasho ka dhacday goob uu ka socday shir-diimeed oo ku taalla waqooyiga Hindiya

Sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi, Kulan-diimeedka oo ay lahaayeen dadka Hinduuga ayaa ka socday degmada Hathras ee gobolka Uttar Pradesh.

Dadka dhintay oo ay ku jiraan haween aad u badan iyo caruur ayaa qaarkood wali la aqoonsan la’yahay.

Dadkii ka badbaaday musiibada ayaa sheegay inay la kulmeen xaalad argagax leh markii ay bilaabatay isbuurasho ka dhalatay ciriiri goobtaas ka jiray

Afhayeen booliiska u hadlay oo ku sugan Uttar Pradesh ayaa sheegay inay waqti ku qaadan doonto in la shaaciyo tirada rasmiga ah ee kama dambaysta ah ee ku saabsan dhimashada, laakiin waxa uu xaqiijiyay in ugu yaraan 100 qof ay hadda dhimashadu marayso.

inkastoo shilalkan noocan ah ay ku badan yihiin dalka India haddana shillkan ayaa noqonaya kii jugu khasaaraha badnaa ee mudooyinkan ka dhaca dalkaas.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland’Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq,

Axad 07 julay 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland'Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq, HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada

Axad 07 julay 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA