Sunday, July 7, 2024
spot_imgspot_img

Joe Biden oo aad ugu carooday Xasaanadii la siiyay Donald Trump

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka ayaa xasaanad ballaaran siisay Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, waxa ayna xasaanadan uu helay ka dhigeysaa in aan dacwad lagu soo oogin ilaa inta ay ka dhamaaneyso doorashada Madaxweynaha.

Trump ayaa loo heestay laguna maxkamadeynayay kiiska rabshadihi ay qaar ka mid ah taageerayaashiisa ku weerareen xarunta Coongareeska horraanti sannadki 2021-ki, waxaa sidoo kale loo heestay in uu isku dayay carqaladeynta natiijada doorashadii looga guuleestay.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden , oo doorasho adag la galaya Trump ayaa si weyn uga xumaaday xasaanada ay maxkamadda Sare siisay ninka la tartamaya, waxa uuna ku sheegay xasaanad siinta Trump in ay tahay mid khatar ah.

Joe Biden ayaa sidoo kale sheegay in xukunka Maxkamadda Sare ee Trump xasaanada lagu siiyay uu meesha ka saarayo sharciga, isla markaana uu yahay waxyeello xun oo loo geystay dimuqraaddiyaddii Maraykanka, sida uu tilmaamay.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump iyo taageerayaashiisa ayaa si weyn ugu farxay una soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Sare, waxa ayna tani walaac xooggan ku abuurtay taageerayaasha xisbiga Dimuquraadiga .

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland’Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq,

Axad 07 julay 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland'Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq, HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada

Axad 07 julay 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA