Sunday, July 7, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweeyne Xasan Shiiq oo Dib Ugu Laabtay Furuumaha Hore ee Dagaalka

Talaado 02 julay 2024 {HMC} – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgallada dib u xoreynta dalka ayaa maanta garay deegaanka Waragaadhi ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka ee deegaanka ku sugan ka dhegeystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray argagixisada, warbixinta ciidamada ay hoggaamiyaan iyo qorshaha waqtiga kooban ee Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada haray.

Xasan Sheekh ayaa deegaankan u tagay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanno katirsan Hirshabelle, waxa uuna Madaxweynaha saraakiisha uu la kulmay ugu baaqay in dagaal u diyaar garoobaan.

Howlgalladii ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ayaa muddooyinkan istaagay, waxa ayna ciidanka dowladda dib uga soo baxeen deegaanno badan oo gacanta Al Shabaab laga saaray ayna ku naf waayeen saraakiil iyo askar badan.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland’Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq,

Axad 07 julay 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland'Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq, HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada

Axad 07 julay 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA