Sunday, July 7, 2024
spot_imgspot_img

Xubin Ka Tirsanaa AS oo Ciidanka Dowladda Gacanta Ku Dhigeen

Talaado 02 julay 2024 {HMC} – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, ayaa nolosha ku qabtay xubin katirsanaa kooxda Al Shabaab , kaa oo ku dhuumaaleesanayay deegaanno hoos taga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ninkan ciidamada dowladda qabteen oo lagu magacaabo Cabdullaahi Macallin Cusmaan (Ilyaas) ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab uu katirsanaa ku dhawaad labo sanno, waxa uuna tilmaamay in uu kasoo qeyb qaatay dagaallo dhowr ah.

Waxa uu sheega ninkan isaga oo arday ah in kooxda Al Shabaab si qasab ah kaga soo wadeen deegaanka Buula Fuulay ee gobolka Baay, waxa uuna xusay in jaceyl uu u qabo kooxda Al Shabaab ugu biirin balse lasoo qasbay lagana dhugay askari.

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee caawinaya ayaa marar badan gacanta ku dhigay dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab , kuwaa oo loo soo gudbiyay magaalada Muqdisho oo intooda badan hadda ku xiran yihiin.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland’Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq,

Axad 07 julay 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland'Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq, HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada

Axad 07 julay 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA