Sunday, July 7, 2024
spot_imgspot_img

Askarigii Dhaawacay Taliyahiisi oo Xukun adag lagu riday

Talaado 02 julay 2024 {HMC} – Maxkamadda derajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday askari katirsanaa ciidanka xoogga dalka , kaa oo lagu helay in uu dhaawac culus u geestay taliyihiisa.

Dable Xoogga Maxamed Xiireey Maxamuud oo ka tirsan guutada Cali Bin Abii Daalib, ayaa loo soo xiray inuu dhaawac culus uu u geystay taliye unugiisa Dable xoogga Axmed Cabdullaahi Maxamed, uu xabbad afka uga dhuftay, falkaan ayaana ka dhacay degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan horaantii sannadkan.

Askariga dhaawaca geestay oo ka baxsaday degmada Maxaas ayaa lagu xiray xabsi kuyaalla degmada Guriceel, halkaas oo la sheegay in markii dambe kasoo baxday uuna soo galay magaalada Muqdisho qeybo kamid ah uu muddo ku dhuumaaleesanayay.

Gabar haasaawe jaceyl oo been ah iyo shukaansi la jishay askarigan fakadka ahaa ayaa ciidamada ammaanka u suurto galisay in ay gacanta kusoo dhigaan, kaddib markii ay gabadhan ballamisay askariga kuna wargalisay laamaha amniga halka uu joogo.

Garsoorka maxkamadda ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex dable xoogga Maxamed Xiireey Maxamuud, magta dhaawaca iyo bixinta kharashkii ku baxay iyo shan sanno oo xabsi ciidan ah, waxaa sidoo kale laga saaray askarta dowladda.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland’Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq,

Axad 07 julay 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland'Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq, HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada

Axad 07 julay 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA