Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

Maxkamad ku taalla Faransiiska oo tallaabo sax ah ku tilmaantay amar lagu soo xirayo madaxweynaha Suuriya

Jimco 28 June 2024 {HMC} Maxkamada racfaanka ee ugu sareysa dalka Faransiiska ayaa go’aamisay in amarka lagu soo xirayo madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad uu yahay mid sax ah maadaama lagu eedeeyay in uu ka qeyb qaatay dambiyo dagaal iyo kuwo bini’aadantinimo sida ay sheegeen qareeno.

Sannadkii hore, garsoorayaasha dhanka baarista ayaa dalbaday in la soo xiro Mr Assad iyo saddex xubnood oo kale oo loo haysto weerar loo adeegsaday hub kiimiko ah oo Suuriya ka dhacay 2013-kii, kaas oo uu diiday inuu ku lug lahaa.

Dacwad oogayaasha la dagaalanka argagixisanimada ayaa ka soo horjeestay ansaxnimada waaranka Faransiiska, iyaga oo sheegay in uu xasaanad leeyahay maadama uu yahay madaxweyne. Hase-yeeshee maxkamadda Racfaanka ee Paris ayaa diiday doodaas.

Qareennada ayaana soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda racfaanka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA