Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

Dowlada Soomaaliya oo Baaq Nabadeed Kasoo Saartay Dagaalka Gobolka Mudug

Khamiis June 27, 2024 {HMC} – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bayaan deg deg ah kasoo saartay colaadda saaka kasoo cusboonaatay gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanno dhaca galbeedka gobolkaasi.

Dagaalkan oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa waxay dowladda ku baaqday in si deg deg loo joojiyo colaadda, islamarkaana ay dhinacyadu fursad siiyaan nabadda iyo wada-hadalka.

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta oo bayaanka soo saartay ayaa waxay muujisay sida ay uga walaacsan tahay dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhex-maraya deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

“Wasaaradda waxay ka walaacsan tahay dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhex-maraya deegaannada; Jiicboor, Saxo-Qurun iyo Meygaagta, ee ka tirsan gobolka Mudug. Waxaan ugu baaqeynaa in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda islamarkaana ay fursad siiyaan nabadda iyo wada-hadalka.”

Sidoo kale wasaaradda ayaa waxay codsi u dirtay odayaasha dhaqanka, culimaa’udiinka iyo bulshada inteeda kale, “Waxa aan ka codsaneyna dadka waxgaradka ah inay nabadda u istaagaan oo ay kaalintooda ka qaataan sidii colaadda loo joojin lahaa.

Wasaaradda ayaa waxay kale ugu baaqday masuuliyiinta maamullada Puntland iyo Galmudug inay kaalintooda ka qaataan, ayna u istaagaan xal u helidda colaadda.

“Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax alle wixii kaga aaddan sidii xalwaara loogu heli lahaa colaaddan.”

Gobollada dhexe waxaa ka socda dagaal beeleedyo kala duwan, kuwaas oo gaystay khasaare aad u xoogan, kuwaas oo ka qarxay meelo kala duwan oo kamid ah gobolladaasi.

Si kastaba, dagaalladan ayaa kusoo aaday, ayada oo weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA