Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

Aas-aasaha website-ka WikiLeaks Julian Assange oo dib ugu laabtay dalkiisa hooyo isaga oo xor ah

Khamiis 27 June 2024 {HMC}  Aas-aasaha website-ka WikiLeaks Julian Assange ayaa Arbacadi shalay gaaray dalka uu kasoo jeedo ee Australia isaga oo xor ah, kaddib marki lagu sii daayay heshiis uu la galay dacwad-oogayaasha Mareykanka, kaas oo dhigayay in uu aqbalo inuu Mareykanka ka galay danbi jaasuusnimo, kuna baddasho xorriyaddiisa.

Arrintaas ayaa so oaf-jartay 14 sano oo Assange uu eedeysane ahaa, muddadaasi oo marna uu baxsad ahaa, mar uu magan-galyo ku deganaa safaarad ku taalla Ingiriiska iyo mar uu ku xirnaa xabsiga London.

Taageerayaasha wariyahaan 52-jirka ah ayaa si farxad leh u soo dhaweeyay sii deyntiisa, balse sheegay in dacwadihi lagu qaaday ay tusaale u yihiin khatarta ay wajaheyso xorriyadda saxaafadda.

Assange aroornimadi hore ee shalay diyaarad khaas ah ku tagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Canberra, halkaas oo si qiiro leh ay ugu soo dhaweeyeen qoyskiisa. Waxaa isku duubay xaaskiisa Stella, iyo aabihiis, John Shipton, ka hor inta uusan hawada feerin isagoo ku faraxsanaa soo laabashadiisa.

Website-kiisa WikiLeaks ayaa sannadki 2010-kii baahiyay boqollaal kun oo dukumintiyo sir qaran ah oo uu leeyahay millatariga Mareykanka.

Dukumintiyadaasi ayaa u badnaa kuwa millatariga Mareykanka ee dagaalladi Afghanistan iyo Iraq. Dusinti sirta milatari ee Mareykanka ee Wikileakes ayaa noqday kugu ugu ballaarnaa ee taariikhda Mareykanka.

Assange ayaa marki hore sannadki 2010-ki lagu xiray dalka Britain kaddib marki ay maxkamad ku taalla Sweden u jartay waaran lagu soo qabanayo, kaddib marki lagu eedeeyay danbi kufsi ah oo marki danbe laga laabtay.

Kaddib ayuu u cararay oo uu iska dhiibay safaaradda Ecuador ee London, kalkaas oo uu ku noolaa muddo 7 sano ah. Ugu danbeyntii sannadki 2019-ki ayaa laga soo xiray safaaradda, oo loo diray xabsiga Belmarsh ee magaalada London.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA