Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Muxuu Madaxweyne Ruto Ka Yiri dibad-baxyadii dadka badan ku dhinteen?

Arbaco June, 26, 2024 {HMC} Magaalooyin badan oo kuyaalla dalka Kenya waxaa shalay ka dhacay dibad baxyo xooggan oo watay rabshado, waxaana dibad baxyadaasi ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimadho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay lix qof ayaa ku dhintay dibad baxyadii shalay ka dhacay dalka Kenya, waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan oo qaarkood halis yihiin soo gaareen dad ka badan 100-qof .

Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dibad baxii shalay ka dhacay dalka Kenya ayaa laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan, waxaana warbaahinta qaar sheegayaan in khasaaraha inta hadda la shaaciyay ka badan yihiin.

Madaxweynaha dalka Kenya William Rutu ayaa si kulul u cambaareeyay dibad baxyadii shalay ka dhacay dalka Kenya, waxa uuna sheegay in kuwa dhigaya dibad baxyada yihiin dambiilayaal dalka halis ku ah.

William Rutu ayaa sheegay in dadka dibad baxyada dhigayay ee shalay galay xarunta Baarlamaanka iyo xarumaha kale ay yihiin kuwa khiyaano qaran ku kacay, waxa uuna digniin adag u diray dadka dibad baxyada dhigaya.

Madaxweynaha Kenya ayaa ku goodiyay in tallaabooyin adag laga qaadi doono dadka wada abaabulka dibad baxyada rabshada wata iyo kuwa dhigaya, waxa uuna sheegay in ciidanka ay qaadi doonaan tallaabooyin adag ay ku joojinayaan dibad baxyada.

WARARKA