spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada Israel oo Xubno katirsan Qoyska Ismaaciil Haniyah Ku dilay weerar ay geesteen

Talaado June, 25, 2024 {HMC} –  Ciidamada Israel ayaa la sheegay weerar dhinaca cirka ah oo aroornimadii maanta ka fuliyeen magaalada Gaza ku dileen xubno badan oo katirsan qoyska hoggaamiyaha ururka Xamaas Ismaaciil Haniyah.

War ay soo saarray hay’adda difaaca madaniga ah ee Gaza ayaa lagu sheegay in weerarka Israel ka fuliyeen xerada qaxootiga Al-Shati lagu dilay xubno katirsan qoyska Hoggaamiyaha ururka Xamaas.

Afhayeenka difaaca madaniga ah ee Gaza Mahmud Basal, ayaa sheegay in weerar dhinaca cirka ah ay fuliyeen ciidamada Israel lagu dilay toban qof bay ku jirto Sahra Haniyeh oo la dhalatay hoggaamiyaha Xamaas.

Hoggaamiyaha ururka Xamaas Ismaaciil Haniyah ayaa horey loogu dilay magaalada Gaza saddex wiil uu dhalay iyo afar kale uu awoowe u ahaa, waxaana weerarkan uu dhacay Bishii April ee sannadkan, gaar ahaan maalintii Ciidul Fitriga.

Israel ayaa dad ku dhaw 40-kun oo qof ku xasuuqday magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, ciidamada Israel ayaana wali wada duullaanka ay wali ku beegsanayaan dadka shacabka ah aan waxba galabsan.

WARARKA