spot_imgspot_imgspot_img

Kenya oo ciidamadii ugu horreeyay u dirtay Haiti

Talaado June, 25, 2024 {HMC} Dowladda Kenya ayaa sheegtay in qeybtii ugu horeysay ee ciidamo ka tirsan booliska caalamiga ah ay u dirtay dalka Haiti, si ay wax uga qabtaan kooxaha burcadda ah ee ka dagaalama dalka Haiti.

Ilaa afar boqol oo askari oo booliis ah ayaa la sheegay inay ka dhoofeen Nairobi iyagoo raacay diyaaradda Kenya Airways oo ku socotay Haiti.

Ku-dhawaad ​​kun askari oo booliis ah oo la diri lahaa ayaa waxaa lagu ansixiyay qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bishii Oktoobar; balse si ku meel gaar ah ayey dib ugu dhacday markii maxkamada Kenya ay sharci darro ku tilmaantay.

WARARKA