spot_imgspot_imgspot_img

Dhacdo argagax leh oo ka dhacday degmada Dayniile ee gobolka banaadir kadib markii…

Talaado June, 25, 2024 {HMC} Dhacdo naxdin leh ayaa xalay laga soo weriyey degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, kadib markii nin uu dilay Hooyadiis iyo Abtigiis.

Falkaan xanuunka badan ayaa ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Deyniile, waxaana geystay nin dhimirka ka xanuunsan.

Goobjoogayaal Warbaahinta uga waramay dhacdadaan ayaa sheegay in ninkaas uu dilka u adeegsaday Toorey, isla markaana uu Hooyadiis gowracay.

Abtigiis oo isku dayey inuu duqda badbaadiyo ayuu isna dilay, kadibna waxaa la sheegay inuu ag-seexday meydka Hooyadiis iyo Abtigiis.

Dadka deegaanka ayaa ku soo baxay guriga uu falkaani ka dhacay, kadibna waxaa la qabtay ninkii, iyadoo loo gacan geliyey hey’adaha ammaanka.

Sida ay noo sheegeen dadkii deriska la ahaa, ninka ayaa la’aa dhimirka iyo dhegaha, waxaana adkaatay in la ogaado sababta ku kaliftay inuu sameeyo falkaan argagaxa badan.

Ciidamada ammaanka ayaa sida la sheegay ninkii u kaxeeyey xarunta dembi baarista booliska ee CID-da, halkaas oo baaritaan adag uu uga bilowday.

Sidoo kale meydadka labadii marxuum ee uu dilay ayaa la geeyey CID, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo sababta ka dambeysay in ninkaasi uu halgoob ku dilo Hooyadiis iyo Abtigiis.

WARARKA