spot_imgspot_imgspot_img

War ka soo kordhay xaaladda marinka Babul-Mandab iyo Markab shidaal oo halkaa gaaray

Isniin june,24 2024 (HMC) Marka sida shidaalka dabiiciga ah (LNG) ayaa ku gooashay badda cas maalmo uun ka dib markii dagaalyahanada Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay Yemen ay weerar ku qaadeen markabkii labaad.

Markabka, Asya Energy, waa markabkii ugu horreeyay oo ku goosho marinka Bab al-Mandab, tan iyo bishii Janaayo, markaasoo safarrada maraakiibta la hakiyay iyada oo ay soo noqnoqdeen weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha Xuutiyiinta ay Iran taageerto.

Kooxdan ayaa tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qasa waxa ay bartilmaameed ka dhiganayeen maraakiibta gooshta badda cas, taasoo ay ku sheegeen in ay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta. Tallaabadaan ayaa si weyn caqabad ugu noqotay ganacsiga.

WARARKA