spot_imgspot_imgspot_img

Israa’iil oo weerartay bartilmaameedyo uu leeyahay ururka Xisbullah

Isniin june,24 2024 (HMC) Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay xalay saqdii dhexe duqeeyeen tiro bartilmaameedyo ah oo ururka Xisbullah ku leeyahay koonfurta Lubnaan.

Waxey sheegeen in laba xubnood oo ka tirsan koox ammaanka gudaha oo ku sugnaa waqooyiga Israa’iil ay ku dhaawacmeen, madaafiic ay Xisbullaah ku gantay halkaa.

Iska horimaadka labada dhinac ayaa sii xoogeysanayay toddobaadyadii u dambeeyay. Waana mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee uu wasiirka gaashaandhigga Israa’iil Yoav Gallant kala hadli doono madaxda Mareykanka inta uu ku guda jiro booqashada uu hadda ku joogo Washington.

Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ciidamada ku sugan Qasa laga yaabo in dib loogu daabulo xadka waqooyiga ay la wadaagto Lubnaan.

Israa’iil iyo Xisbullah waxay labaduba sheegeen in ay u diyaar garoobeen dagaal ka weyn isku dhacyadaan haddii loo baahdo, iyada oo milatariga Israa’iil uu dhawaan sheegay in uu wado qorshe ka dhan ah Xisbullah.

WARARKA