spot_imgspot_imgspot_img

Warar Cusub oo kasoo korshay ciidamadii Itoobiya ee xuduudda ka soo gudbay.

Isniin june,24 2024 (HMC) Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno ciidamadii Itoobiya ee Jimcihii lagu celiyey degmada Matabaan waxay sheegayaan in maanta ay dib ugu laabteen gudaha dalkaas.

Ciidankaan oo ka yimid gudaha Itoobiya ayaa Jimcihii waxaa celiyey ciidanka booliska Soomaaliya ee ku sugan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo hor istaagay kana dalbaday inay cadeeyaan sababta ay ugu gudbayaan Galmudug.

Saraakiil Soomaali ah oo ka timid dowlad deegaanka ayaa la socotay ciidankaas oo tiradiisa lagu qiyaasay ilaa 5,000 (shan kun), waxayna ku guul-dareysteen inay faahfaahin lagu qanco ka bixiyaan safarkooda, taasi oo sababtay in booliska Soomaaliya ay go’aankooda ku adkeystaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa dib uga laabtay Matabaan markii loo diiday, waxayna maanta ka gudbeen deegaanka Kalabeyr oo 20 KM waqooyi ka xiga Beledweyne, iyagoo u jaheystay dhanka dalka Itoobiya.

Dadka ku nool deegaanka Feerfeer ayaa galabta sheegay in ciidankaas ay ka talaabeen xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ay ku laabteen dalkooda oo markii hore ay ka yimaadeen.

Itoobiya ilaa hadda ma cadeyn sababta ciidankaas ay ugu soo dirtay Soomaaliya, dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka gaabsatay in arintaas ay faahfaahin ka bixiso, markii laga reebo in ciidamada Soomaaliya lagu amray in Matabaan aysan ka gudbin ciidamada Itoobiyaanka ah.

Ciidamo badan oo howlgalka ATMIS aan ku jirin ayaa ku sugan Soomaaliya, sidoo kale ciidamada ATMIS ayey qeyb ka yihiin, markii la isku daro waxay gaarayaan kumanaan, ku kala sugan gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka.

Hiiraan, Bay, Bakool, Gedo iyo qeybo ka mid ah Jubbada Hoose ayey Soomaaliya ka joogaan ciidamada Itoobiya, dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in bisha 12-aad ee sanadkana dalka laga saaro dhamaan ciidamada Itoobiya.

WARARKA