spot_imgspot_imgspot_img

Muxuu yahay Ballan-qaadka ay Soomaaliya ka heshay Midowga Yurub ?

Jimco 21 June 2024 {HMC} –   Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan muhiim ah la qaatay safiirro ka socday dalalka Midowga Yurub, kuwaasi oo ballan-qaad horleh u sameeyay Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga, cirib,tirka Al-Shabaab, arrimaha bini’aadantinimada, xasilinta iyo mashaariicda horumarinta.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladda guulo waawayn ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo howl-galada wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu uga warbixiyay dadaallada adeegga lagu gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed ee iska xoreeyey heeryada kooxaha argagixisada oo ugu horreyso Al-Shabaab.

Dhankooda safiirrada ayaa qiray guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladu ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Waxay ballan-qaadeen inay dowladda Soomaaliya ka taageerayaan howl-gallada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, oo hadda dhiig cusub lagu shubayo, si loo dardar-geliyo dagaalka, looguna gudbo wejiga labaad oo ka xoog badan midkan hore.

Safiirrada kulanka la yeeshay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa kala ahaa Safiirka EU Karin Johansson, safiirka Italy Dacco Coppi, safiirka Germany Sebastian Groth, iyo safiirka Sweden Joachim Waern.

 

WARARKA