spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey Ahaayeen Hadiyadaha Qaaliga ah ee ay isweydaarsadeen Putin iyo Kim Jong Un?

Jimco 21 June 2024 {HMC} –  Gaadhiga raaxada ee ruushku sameeyo, adeegga shaaha lagu cabbo iyo farshaxanno kale ayaa ka mid ah hadyadaha ay isweydaarsadeen Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.

Mudane Putin, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Ruushka, iyada xaflad heer sare ahayd oo la sameeyey lagu xusay booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku tago dalkan ku dhawaad rubac qarni.

Waxaa lagu qaabbilay dhoola cadeyn dhan walba ah iyo sidii sharfanayd ee ay laabta isu geliyeen hogaamiye Mr Kim.

Sida oo kale fardo qurxo badan, buufimooyin heehaabaya hawada sare iyo boodhadh waa weyn oo ay ka muuqdaan sawirka labada hoggaamiye ayaa lagu qurxiyey dhismooyinka ku teedsan hareeraha Pyongyang, iyada oo sida oo kalena ay gaar u dhacday xaflad shaah lagu cabbayey iyo bandhig faneed.

Mr Putin oo muddo labo saacadood ah oo ay gaar u sheekaysanayeen way wada qaateen Kim ayaa hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi siiyay gaadhi nooca raaxada ah oo lagu magacaabo Aurus limousine, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Ruushka oo soo xiganeysa kaaliyaha Kremlin-ka ee Yuri Ushakov.

Labada madaxweyne ayaa la soo sawiray iyagoo ku dhex wareegaya gaari Aurus ah, xilli Mr Putin oo uu ahaa darawalkii gaadhigaas – balse ma cadda in uu yahay gaadhiga cusub ee hibada loo siiyay iyo in kale.

Dabayaaqadii bishii Febraury, Mr Putin waxa uu Mr Kim hadiyad u siiyay gaadhi kale oo ka mid ah Auruses-ka Ruushku sameeyo – oo welib ah nooca sedan ee uu isticmaalo hoggaamiyaha Ruushka laftiisu.

Waxaana gaadhigaas la geeyay Kuuriyada Waqooyi taas oo xadgudub ku ah cunaqabateynta Qaramada Midoobay.

Mr Kim ayaa la rumeysan yahay in uu yahay nin aad u xiiseeya baabuurta, waxaana uu leeyahay goob uu ku uruuriyo gawaadha raaxada ee aanu dalkiisu samayn asee uu leeyahay. Ma cadda nooca Aurus ee la siiyay markan.

Waxaa lagu arkay goobta uu ku kaydsado gaadiidkaas Maybach limousine, dhowr Mercedes, Rolls-Royce Phantom iyo baabuur kale oo qaali ah.

Hogaamiyaha Ruushka ayaa sidoo kale la sheegay in uu Mr Kim siiyay adeeg shaah ah iyo iyo seef ama toorrayda casriga ah ee lagu xarragoodo qaaligana ah.

Mr Ushakov ayaa sheegay in qalabka shaahu uu ahaa “mid aad u qurux badan” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Ruushka ee Tass.

Dhanka kale, shaqaalaha ka ag dhawaa ayaa sheegay in Mr Putin la siiyay “sidoo kale haddiyado aad u wanaagsan”.

Waxa uu sheegay in ay ku jiraan farshaxan, kuwaas oo la sii raaciyey in ay ahaayeen kuwo “la xidhiidha sawirka” madaxweynaha.

Mr Putin ayaa ku tegay nooca gaadhi ee loo yaqaan Aurus Senat xafaddiisii caleemosaarkiisaoo uu oo ka dhacday aqalka Kremlin-ka ee Moscow bishii May

Bandhigga labadan dal oo muuqdo mid saaxiibtinno qoto dheer ah ayaa imanaya xilli labada dalba ay wajahayaan go’doon caalami ah.

Xidhiidhka u dhexeeya labada dawladood ayaa sii kordhay sannadihii u dambeeyay, gaar ahaan tan iyo markii Ruushku si buuxda u galay Ukraine 2022-kii.

Kuuriyada Waqooyi ayaa loo malaynayaa in ay Ruushka siinayso madafiic, gantaallo casri ah iyo kuwo ballistic-ga, inkastoo cunaqabatayn caalami ah lagu soo rogay labadan waddan.

Labada dhinacba waxay dafireen jebinta cunaqabatayntaas.

Intii uu socday wadahadalkooda, Mr Putin waxa uu uga mahadceliyey Mr Kim “taageerada joogtada ah ee aan kala go’a lahayn ee uu siinayo siyaasadda Ruushka, oo ay ku jirto mawqifkiisa ku aaddan dagaalka Ukraine”.

Mr Kim ayaa sheegay in xidhiidhka labadooda dal uu ” galayo xilli ubax cusub uu bixinayo “, isagoo ku tilmaamay Ruushka “saaxiibka ugu daacadsan ee Kuuriyada Waqooyi”.

Waxay kala saxiixdeen heshiis is caawinaad oo midba midka kale gacansiinayo haddii la soo “gardarraysto”.

Labadan saaxiib ayaa markii ugu dambeysay kulmay bishii Sebtembar, markaasoo Mr Kim uu booqday xarunta Vostochny Cosmodrome ee bariga fog ee Ruushka. Waxay ahayd safarkiisii ugu horreeyay ee uu dibadda u baxo muddo afar sano ah.

Booqashadaas, waxa uu ku soo kormeeray nooca gaadhi ee uu leeyahay Mr Putin ee Aurus Senat limousine, waxaana lagu casuumay inuu kaxeeyo. Waxay kaloo xilligaas is dhaafsadeen hadyad ahay qori.

Mr Putin ayaa Mr Kim ku casuumay Moscow kulankooda soo socda eek an xiga

WARARKA