spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo dooneysa in la tartiibiyo bixitaanka ATMIS

Khamiis june,20 2024 (HMC) – MUQDISHO — Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in la tartiibiyo qorshaha ay Soomaaliya uga baxayaan ciidamada nabad ilaalinta ee Afrikaanka ah ee ATMIS ee Soomaaliya ka howlgala.

Dukomintiyo ka digaya in amaanka uu faraha ka baxo, oo ay aragtay Wakaaladda Wararka ee Reuters, ayaa muujinaya in dalalka deriska ah ay walaac ka qabaan in Al-Shabaab ay dib u soo xoogeeysato, awooddana ay la wareegto.

Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), oo ah ciidamo nabad ilaalin ah, ayaa waxaa ka go’an inay ka baxaan dalka 31-ka December, markaasi oo la filayo in ciidamo cusub oo tiro yar lagu bedelo.

Si kastaba ha ahaatee, warqad ay bishii hore u dirtay ku-simaha guddoomiyaha golaha ammaanka iyo nabad-galyada Midowga Afrika ayay xukuumaddu kaga codsatay in dib loo dhigo illaa bisha Sebtembar ee ay dalka ka baxayso kala bar 4,000 oo askari oo ka bixi doona dhammaadka bishan June.

Dawladdu waxay hore ugu talisay, qiimayn wadajir ah oo ay la samaysay AU bishii March, oo ay dib u eegtay wakaaladda wararka ee Reuters, in guud ahaan wakhtiga ka bixida la saxo “iyadoo lagu salaynayo diyaargarowga dhabta ah iyo kartida ciidamada Soomaaliya. Qiimaynta wadajirka ah, oo uu u xilsaaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ka digtay in si degdeg ah hoos loogu dhigo ciidanka.

Midowga Yurub iyo Mareykanka, oo ah maalgeliyayaasha ugu sarreeya ee ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa isku dayay in la dhimo howlgalka nabad ilaalinta sababo la xiriira walaac ku saabsan maalgelinta muddada fog sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed iyo sarkaal sare oo ka tirsan Uganda.

La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in codsiga dib u dhigista ka bixitaanka bishan uu yahay mid la doonayo in lagu waafajiyo qorshaha dhimista howlgalka ATMIS-ka kadib.

“Fikirka ah in ay jirto ‘cabsi laga qabo in al-Shabaab ay dib u soo noolaato’ waa mid riwaayad ah,” ayuu yiri la taliyaha.

Maxamed El-Amine Souef, oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, ayaa sheegay in aysan jirin waqti go’an oo lagu soo gabagabeynayo wada xaajoodka balse dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay heshiis gacan ka geysanaya in la helo nabad iyo ammaan waarta.

Gelinka dambe ee Khamiista ayaa lagu wadaa in Golaha Nabadda iyo Ammaanka ay ka kulmaan arrimaha Soomaaliya, si ay uga doodaan dhimista iyo daba-galka howlgalka.

Uganda iyo Kenya oo ciidamo ku yaboohay howlgalka bixitaankooda ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay.

Henry Okello Oryem, oo ah wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Uganda, ayaa sheegay in inkastoo dadaallo xooggan oo dhanka tababarrada ah ay sameeyeen, haddana aysan ciidamada Soomaaliya sii wadi karin iska-hor-imaad ciidan oo muddo dheer socda.

“Ma dooneyno inaan aragno nooca wax aan ku aragnay Afgaanistaan,” ayuu u sheegay Reuters.

Oryem ayaa sheegay in Kenya ay aqbashay hoos u dhigista ay codsadeen Mareykanka iyo Midowga Yurub balse ay tahay in la maqlo walaaca dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

WARARKA