spot_imgspot_imgspot_img

RW Xamse Barre oo xil cusub u magacaabay Aweys Cabdullaahi Cali

Khamiis 20 June 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta wareegto uu soo saaray ugu magacaabay Dr Aweys Cabdullaahi Cali La-taliyaha sare ee dhaqaalaha.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale loogu magacaabay Dr Aweys Cabdullaahi in uu noqdo agaasimaha waaxda qorsheynta dhaqaalaha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha .

Ninkan loo magacaabay labada xil ee lataliyaha iyo agaasinka ayaa la sheegay in uu kamid yahay dadka aadka ugu dhaw Ra’isul Wasaaraha, waxa uuna qeyb ka yahay xubno badan oo xilal looga tixay xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa xilal u badan lataliyaal looga magacaabay xubno ku yimid saaxiibtinimo iyo xubno kale oo iyana lagu magacaabay ballanqaadyo loo sameeyay siyaasiyiin dano lagu meel marsaday.

WARARKA