Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Boqolaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo kasoo gudbay Xadka Hiiraan iyo dowlad deegaanka Soomaalida.

Khamiis 20 June 2024 {HMC} Boqolaal ka tirsan Ciidamada itoobiya ayaa shalay ilaa manta kasoo gudbay Xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Ciidamadan oo aad u hubeeysan ayaa kasoo gudbay Degmada Feerfeer Soomaaliya oo ku taalla Xadka

 

Dadka ku nool degmada Feerfeer Soomaaliya ayaa Hiiraanweyn u sheegay in ay arkeeyn Ciidamo farabadan oo itoobiyaan ah kuwaas oo lug uga soo gudbay Xadka shalay ilaa manta iyada oo wato Gaadiid dagaal oo aad ufarabadan

 

ilaa iyo hada lama-oga ujeedka Rasmiga ah ee ka dambeeysay in Ciidamadan ay kasoo gudbaan Xadka Gobolka Hiiraan uu a wadaago Dowlada Deegaanka Soomalida Itoobiya. Arintan ayaa dadka deegaanka waxaa ay ku abuurtay Walaac xoogan

 

Ciidamada Soo gudbay ayey dadka deegaanka sheekeyn In lagu Qiyaasay ilaa toban-kun oo askari, Deegaanada Jawiil Jiracle ilaa Beergadiid ayaa Manta lagu arkay Ciidamadan Itoobiyaanka ah kuwaas oo wato gaadiid dagaal oo aad u badan

 

Dhaq dhaqaaqa ay Bilaabeen Ciidamada Itoobiya ayaa kuso aadeysa xilli Khilaaf Xoogan oo udhaxeeyo Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya. Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in guud ahaan Soomaaliya laga Saarayo Ciidamada itoobiyaanka ah sanadkan gaar ahaan Bisha Juun

 

Dowlada Itoobiya oo hadalkan ka jawaabtay ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ku joogto Magaca ATMIS Ila aiyo hadane dhinacooda uunan war kasoo gaarin.

WARARKA