spot_imgspot_imgspot_img

Tiro Xujeey Soomaali ah ee ku dhimatay xajka sanadkaan

Arbaco 19 June 2024 {HMC} Sanadkaan dadka ka tagay Soomaaliya ee gudanaayay xajka waxay ahaayeen 11,500 sida uu sheegay agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa yiri, aduunyadana 1.83 milyan oo ruux wax ka badan ayaa tagay xajka.

Balse kulaylka darran ee sanadkaan ka dhacay Sacuudiga ayaa sababay dhimashada xujeey gaaraya 550 ruux, waxaana la sheegay in Soomaali ay ka mid tahay dadka dhintay.

Dadyoow badan oo kale ayaana sidoo kale la’a eheladooda oo aaday xajka.

Heer kulka cimilada ee Sacuudiga oo gaadhay meelsare ayaana sababay dhimashada faraha badan ee dadkaan.Wasaaradda diinta iyo awqaafka Soomaaliya ayaaKa Hadlay inta ay la egtahay tirada dadka Soomaaliyeed ee ku geeriyooday kulayka sanadkaan, inkasta oo ay sheegtay wasaaraddu in mid kami dihi ku dhintay shil dhacay.

‘‘Xujeyda Soomaaliyeed waa badqabaan way fiicanyahiin, lix xaaji baa dhimatay, inta hadda la xaqiijiyay waa lix qof sabaha dhimashada hal qof unbaa shil ahaa” Ayuu yidhi agaasimaha Wasaaradda diinta iyo awqaafta Maxamed Xaaji Ibraahim oo ka war bixinaya xaaladda xujeyda Soomaaliya ee sanadkaan.

“Dadka cimilada kulaylaha ka yimid oo dalkoodu yara kulaylaha iska ahaa, adkaysigoodu waa badnaa,” ayuu dhahay Maxamed Xaaji Ibraahim oo aaminsan dadka Soomaalida ah ee sanadkaan xajka ku dhintay in ayna keliya kulayle bas ah u dhiman.

In ka badan 550 qof ayaa ku dhimatay sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP, illaa iyo hadda dadka lama shaacin wadamada ay sida tooska ah ugasoo kala jeedaan balse diblumaasiyiin Carab ah oo wakaalada wararka ee AFP u warramay ayaa sheegay in dadkaas 323 qof oo kamid ah ay kasoo jeedaan wadanka Masar 60 kalena ay u dhasheen dalka Jordan.

Wadamada Induneesiya, Iraan, Sinigaal, Tuniisiya iyo gobolka isxkuma ee Kurdistaan ayaana sidoo kale sheegay in ay jirto geeri dadyoowgii halkaas kasoo xajiyay ah. Waloow tirada rasmiga ah ee halkaas kaga dhimatay xajka ayna qeexin.

Diblumaasi Aasiyaan ah ayaa AFP u sheegay in ay jiraan dad ku dhow 68 qof oo kasoo jeeda Hindiya oo dhinatay kuwo kalena illaa haddeer la la’ yahay.

Dowladdu Sacuudigu mayna bixin xogo ku saabsan dhimashada laakiin waxay werisay in ay jiraan in ka badan 2,700 oo dhacdo oo dad kulayl soo ritay ah.

Sanadkii lasoo dhaafay tirada xujayda ku dhimatay gudashada xajka ayaa kor u dhaaftay 200 oo qof, kuwaas oo badidood ay ka imaadeen dalka Indoneesiya.

Sanadkii lasoo dhaafay sida uu warsaxaafadeed ku sheegay wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Soomaaliya Mukhtaar Rooboow, ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay xajka ugu yaraana 60 kalena waa ay ku xanuunsadeen kulaylkii jiray..

Xilligaas wuxuu ku tilmaamay dhimashadaas mid aan badnayn marka loo eego tirada guud.

Wadamada caalamka ee Islaamka ayaa sanadkaan waxaa isaga kala yimid 1,833,164 qof oo doonayay in ay sanadkaan gutaan rugniga xajka .221,854 qof oo dalka Sacuudiga gudahiisa ka yimid ayaana ka mid ah xujayda sanadkaan. Halka 1,611,310 oo kale ay ka kala yimaadeen dunida kale ee Soomaaliya ku jirto.

Dadkaas sanadkaan gudanaaya xajka 958,137 oo ka mid ah waa rag halka 875,027 ee kalena ay yahiin dumar, sida ay baahisay dawladda Sacuudi Carabiya.

Tiro ay dawladda sacuudigu ku sheegtay 4,714 oo kamid ah dadkaas xujeyda ah ayaa ku yimid dalka Sacuudiga gaadiidka badda, 60,251 qofna waxay kasoo galeen jidadka dalalka kale kasoo gala, halka 1,546,435 oo dadkaas ka mid ahina ay kasoo galeen Sacuudiga garoomada diyaaradaha.

63.3% kamid ah dadkaasi waxay ka yimaadeen wadamada dhaca qaaradda Aasiya ee aan kamid ahayn carabta, 11.3% waxay ka yimaadeen wadama qaaradda Afrika e aan ka tirsanayn jaamacadda Carabta, halka 3.2% dadkaasi ay ka yimaadeen Yurub, koonfurta iyo Waqooyiga Ameerika iyo Australia.

Xilliga gudashada acmaasha xajka ee sanadlaha ah ayaa aalaaba la soo tabiyaa geeri ku timaada xujeyda qaar inkasta oo sababuhu kala duwanaadaan marar badan.

WARARKA