spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo u diyaar garoobaysa maalmaha xorriyadda.

Arbaco 19 June 2024 {HMC} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billaabaysa qorshaha u diyaar garowga maalmaha xorriyadda oo foodda nagu soo haya maalmaha soo aaddan.

Iyada oo ay nagu soo fool-leeyihiin todobaadka xoriyadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa maanta mar kale martigelisay kulankii guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyadda ee 26-ka jun iyo 1-da Luulyo.

Kulanka oo ay isugu yimaadeen masuuliyiinta ayaa waxaa guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda mudane Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga heer wasiir, hey’addaha kala duwan ee amniga iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa looga hadlay heerka diyaargarowga iyo qabanqaabada ee qeybaha kala duwan.

Waxaa si gaar ah looga arrinsaday bandhigyada la filayo iyo sidii maalmaha qaran ee xoriyadda uu bandhigoodu u noqon lahaayeen mid weyn.

WARARKA