spot_imgspot_imgspot_img

Mareykanka oo daganaashaha joogtada ah siinaya nus milyan qof oo sharci la’aan ah.

Arbaco 19 June 2024 {HMC} – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii shalay ku dhawaaqay siyaasad cusub oo ku saabsan muhaajiriinta, taasoo deganaashaha joogtada ee Mareykanka ka caawin doonto boqollaal kun oo xaasas oo aanan sharci ku joogin Mareykanka.

Sharcigana ayaa waxaa ka faa’iideysa doona nus milyan ruux oo aanan sharci ku joogin Mareykanka, balse qaba xaasas heysta dhalashada Mareykanka ama ay qabaan muwaadiniin Mareykan ah. Sidoo kale, waxaa kaloo qeyb ka ah carruurta aanan sharciga heysan ee Mareykanka ku noolaa 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

Shuruudaha lagu xiray dadka xaqa u yeelan doono in ay dal-badaan sharcigan cusub ayaa ah, in ay Mareykanka ku noolaayeen muudo 10 sano ama wax ka badan. Faah-faahinta arrintan ayuu Nur Hassan Nur oo ka wareystay, Amin Harun oo ah garyaqaan ku xeel dheer arrimaha socdaalka Mareykanka kuna nool gobolka Minnesota.

WARARKA