Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Booliska Gobalka Banaadir oo Mamnuucay Gaadiidka aan Laheen Taarkada

Talaado 18 June 2024 {HMC}Taliska ciidanka booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa mamnuucay maanta waxii ka dambeeya in waddooyinka magaalada Muqdisho lagu wato gaadiidka aan laheyn calaamada ama taargada.

 

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka booliiska ayaana lagu shaaciyay in maanta kaddib aan la ogolaan doonin baabuur taagro laโ€™aan ah, waxa ayna bulshada ogeesiiyeen in mamnuuc tahay baabuur aan taargo laheyn.

โ€Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu ogaysiinayaan shacabka ku nool caasimadda iyo hareeraheeda laga bilaabo maanta oo ay taariikhada tahay 18-06-2024 aan la ogaleyn gaadiid bilaa taariko ah oo maraya wadooyiinka caasimaddaโ€ ayaa lagu yiri qoraalka booliiska.

Baabuurta aan taargada laheyn ayaa inta badan waxaa istimaala ciidamada, saraakiisha iyo shaqaalaha dowladda, kuwaa oo inta badan ka cabsada in la aqoonsado baabuurta ay wataan, waxaana aad u yar in shacab wataan baabuur aan taargo laheyn.

WARARKA