Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Kooxda AS oo Xariir Iskaashi La Bilaaway kooxda Xuutiyiinta Yemen

Talaado june, 18 2024 (HMC) – Saraakiil sare oo ka tirsan Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay, in kooxda Al Shabab ee Soomaaliya ay xiriir iskaashi la billaabeen kooxda Xuutiyiinta Yemen, si ay isugu dayaan in awooddooda ay ku ballaariyaan Soomaaliya.

Saraal sare oo ka tirsan ciidamada difaaca Mareykanka oo codsaday inaanan la magac-dhabin ayaa sheegay, in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay labadi sano ee lasoo dhaafay Al Shabab ka qabsadeen dhul ballaaran oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya, balse ay Al Shabab dhinaca kale u rogeen guulahaasi.

“Al Shabab waxay la shaqeynayaan Xuutiyiinta, waa wax la yaab leh oo walaaceeda leh.” Ayuu yiri sarkaalkan Mareykanka ah.

Guuleed Axmed oo ah aqoonyahan ka tirsan Machadka Bariga Dhexe ayaa sheegay in Xuutiyiinta oo ah koox gacan ka hesha dowladda Iran ay doonayso in ay abuurto jiho cusub oo badweynta Hindiya ah oo Al-Shabaab ay ka heli karaan gantaalada casriga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Waxa uu sheegay in Xuuthiyiinta ay horay ugu soo direen Al-Shabaab 3 Injineer oo ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya si ay gacan uga geystaan dhismaha hubka casriga ah iyo Bambaanooyin loo sameeyo kooxda AS ee xiriirka la leh Al-Qacida.

Saraakiishu waxay sheegeen in malleeshiyada Xuutiyiinta Yemen ay xiriirkaan billowga ah u arkaan mid mudan in si dhab ah loo qaato, xilli ay isku dayayaan in ay sii wadaan halista ay ku hayaan maraakiibta Mareykanka iyo Britian ee Badda Cas.

saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in lixdi bil ee lasoo dhaafay ay Al Shabab dinac kale ugu rogeen guulihi ay Ciidanka Milatariga Soomaaliya ka gaareen howlgallada ay kula dagaallamayaan AS.

Saraakiisha Difaaca Mareykanka waxay kaloo sheegeen, in tirada AS ay hadda dib ugu soo laabatay tiro u dhaxeyso 12,000 ilaa 13,000 oo dagaalyahan.

Kororkaasi ayay sheegeen inuu dhacay kaddib marki ay AS xoojisay isku daygeeda dhalinyarada ay qorato iyo dhaqaalaha soo galo kooxda, iyaga oo si gaar ah uga faa’iideystay is-afgaradki horraanti sannadkaan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo marki danbe keenay inuu xumaado xiriirka diblamaasiyadeed ee Soomaaliya iyo

WARARKA