Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka Gorgor iyo ilaalo Qaran oo isku maray deegaano dhowr ah

Talaado june, 18 2024 (HMC) โ€“Ciidanka xoogga dalka ayaa howl-gal sifeyn ah ka sameeyay daafaha magaalada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan.

Howl-galkan ayaa waxaa la xaqiijiyay inay si wada-jir ah u fuliyay ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor iyo kuwa loo yaqaano Ilaalo Qaran.

Ciidankan ayaa isku maray qaar kamid ah tuulooyinka hoostaga degmada,si looga nadiifiyo kooxaha AS, ah, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-galinta gulufka dagaal ee kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, ayada oo isla shalayciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ay howl-gal ku dileen ku dhowaad 30 dagaal-yahan oo ka tirsan kooxda.

Howl-galkaas oo ka dhacay deegaanno dhaca gobolka Galgaduud, ayaa sidoo kale waxaa lagu gubay gaadiid iyo saanad ciidan.

Xubnaha lala beegsaday howl-galka ayey dowladda sheegtay in si dhuumaaleysi ah kusoo galeen dhulka howdka ee lagu bartilmaameedsaday, kadibna ay ciidanka dowladda ogaadeen dhaq-dhaqaaqa Kooxda, sidaasna lagu duqeeyay.

โ€œMeydadkii Khawaarijta ayaa daadsan howdka deegaanka Xuseen Cageey, waxayna isaga huleeleen goobihii lagu bartilmaameedsaday iyagoo u laabtay dhanka deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud,โ€ ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa xilligaan maraya meel xasaasi ah, waxaana socda dadaallo horleh oo dowladda ku dardar-gelinayso howl-gallada ka dhanka ah kooxda oo muddooyinkii dambe uu gaabis ku yimid.

WARARKA