Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xubin Ka Tirsan Burcadii Afduubatay Markabka MV Abdalla oo lasoo qabtay

isniin june, 17 2024 (HMC) –  Ciidamada ammaanka ee Puntland oo howlgal ka sameeyay magaalada Garoowe ayaa maanta gacanta kusoo dhigay xubin kamid ah burcad badeedda Soomaalida oo horay uga qayb qaatay afduubyo ka dhacay xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

Qoraal kasoo baxay taliska booliska Puntland ayaa lagu faah-faahiyay qaabka uu u dhacay howlgalka iyo sida lagu soo qabtay ninkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Suufi Rasaas.

Ninkan ayaa lagu soo qabtay howlgal saacado badan qaatay oo uu hoggaamiyay taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Nugaal, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

“Maxamed Suufi Rasaas oo kamid ah burcad badeedii Markabkii MV Abdalla,kana mid ahaa ragii lagacta madaxfurashada ka qaatay ayaa manta ciidanka booliska G.Nugaal ku guulaysteen iney gacanta ku dhigaan kadib howlgal qaatay saacado oo uu hogaaminaayey Taliyaha Qaybta Booliska G.Nugaal G/Sare Maxamed Ali Axmed(Marduuf)” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay booliska Puntland.

Sidoo kale booliska ayaa sheegay in Maxamed Suufi uu ku dhuumaaleysanayay gudaha Garoowe, balse ay hayeen xogtiisa, kadibna ay gacanta kusoo dhigeen.

Waxaa kale oo ninkan lagu eedeeyay inuu ka qayb-qaatay afduubka Markabka MV Room, balse uu mar dambe usoo wareegay Markabkii MV Abdalla oo malaayiin dollar ka qaateen kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

“Waxa uu kamid ahaa afduumashaayshii markabkii MV room isaga oo markii Danbe usoo wareegay markabkii MV abdalle oo uu kamid ahaa burcadii lagacta madax furashada ka qaadatay markabkaas” ayaa lasii raaciyay.

Puntland ayaa sidoo kale digniin adag u dirtay kooxaha kale burcad badeedda, waxayna ugu baaqday inay isa soo dhiibaan, haddii kale ay soo qab qaban doonaan.

Ciidamada Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxa burcad badeedda ah, kuwaas oo dhibaato ku hay maraakiibta shishiiye ee isticmaala biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.

WARARKA