Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Doowlad Gobaleedka Puntland oo digniin culus siisay dadka Itoobiya u dhashay ee ku sugan Garowe

isniin june, 17 2024 (HMC) –  Duqa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, Geeddi Axmed Tuurre ayaa amar ku soo rogay dadka u dhashay Itoobiya ee sharci la’aanta ku jooga inay sida ugu dhakhsaha badan isaga baxaan magaalada.

Geeddi Axmed Tuurre ayaa sheegay in dadka Itoobiyaanka ah ee magaalada Jooga ay dhibaatooyin badan ku hayan shacabka.

“Waxaan rabnaa dadka in aan u sheegno, Inta ay goori goor tahay, dadka aan sharciga ku haysan caasimadda ee jooga ee u dhashay Itoobiya in ay isaga baxaan magaaladaan oo ay dalkoodii ku laabtaan, maadaama aysan ku haysan wax sharciyad ah” ayuu yiri Geeddi Axmed Tuurre

Waxaa uu sheegay in qofkii aan ka bixin magaalada ee sharci la’aan ku sii jooga si xoog ah looga saari doono, islamarkaana isaga oo xirxiran laga saari doono, maadaama uusan wax sharciyad iyo ogolaansho ah haysan.

“Qofkii aan ka bixin oo sharci la’aan ku sii jooga wuxu ogaan doonaa in isaga oo xirxiran laga saari doono magaalada, maadaama uusan wax sharciyad iyo ogolaansho ah ku haysan” ayuu sii raaciyay Geeddi.

WARARKA