spot_imgspot_imgspot_img

FAAHFAAHINO: Dagaal Duleedka Muqdisho ku dhex-maray AS iyo ATMIS

Sabti june, 15 2024 (HMC) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada ATMIS oo xalay ka dhacay degmada Balcad oo qiyaastii 30 kiilo mitiri u jirta Muqdisho, kaas oo laga helayo faah-faahino dheeraad ah.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar toos ah ku qaadeen saldhig ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ay ku leeyihiin halkaasi.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka oo dhacay xilli habeen ah ay ku beegsadeen xero ay ku sugnaayeen ciidaka shisheeye, gaar ahaan kuwa ATMIS.

Al-Shabaab ayaa guul ka sheegatay dagaalka, waxayna shaacisay inay khasaare culus gaarsiisay ciidamada Burundi, balse ma shaacin tiro rasmiga ah.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay howlgalka ATMIS oo ku aadan weerarkaas iyo dagaalka xigay ee guulaha ka sheegteen maleeshiyada Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana Balcad iyo nawaaxigeeda ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo howlgallo ka wada halkaasi.

Balcad ayaa waxaa badanaa weeraro kusoo qaada kooxda Al-Shabaab, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Si kastana HirShabelle ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab wajigii 1-aad ee dagaalka, balse mar kale ayay u muuqataa in kooxda ay kusoo rogaal celisay maamulkaasi.

WARARKA