spot_imgspot_imgspot_img

Cyril Ramaphosa ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha Koonfur Afrika

Baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa mar kale u doortay Cyril Ramaphosa inuu noqdo madaxweynaha dalkaas, kaddib heshiis taariikhi ah oo isbahaysi oo ay gaareen xisbiga talada haya ee ANC iyo xisbiyada mucaaradka.

Dawladda cusub ee midnimada qaran waxa ay ka koobantahay xisbiga ANC ee Mr Ramaphosa , xisbiga middigta dhexe ee Democratic Alliance (DA) iyo xisbiyada yaryar.

Khudbadiisii ​​guusha, Mr Ramaphosa wuxuuna sheegay in codbixiyayaashu ay ka filayaan hoggaamiyeyaasha “inay ficil sameeyaan oo ay ka wada shaqeeyaan wanaagga qof kasta oo dalkeenna ah”.

Heshiiskan ayaa lagu soo beegay maalin ay aad u sarraysay xisadda siyaasadeed, taas oo la arkayay Baarlamaanka oo ilaa maqribnimadii u fadhiyay codaynta cidda qabanaysa talada maamulka cusub.

WARARKA