spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey Ka Tiri Wasaaradda Waxbarashada warar lagu baahjiyay Baraha Bulshada?

Sabti 15 June 2024 {HMC} Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa si adag u beenisay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in shirkad gaar ah lagu wareejiyay in ay qaado lacagaha tasdiiqinta shahaadada ..

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaana lagu sheegay in aysan jirin shirkad gaar loo leeyahay oo ay heshiis lacag qabasho kula jirto, waxa ayna sheegeen kaliya in wasaaradda Maaliyadda ay xafiis lacag qabasho ku dhex leedahay xarumaha adeegga tasdiiqinta.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaana sheegtay in aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid lacagihii horey wasaaradda u qaadi jirtay oo gaareysa 25-dollar sida qoraalka wasaaradda lagu sheegay.

WARARKA