spot_imgspot_imgspot_img

Hoggaamiyaha Ahlu-sunna Macallin Maxamuud oo war culus kasoo saaray dagaalka Galgaduud

Sabti 15 June 2024 {HMC} Hoggaamiyaha guud ee Ahlu-sunna Waljamaaca Macallin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaal beeleedka lagu hoobtay ee kasoo cusboonaaday waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka..

Macallin Maxamuud ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay inay is laayaan dad walaalo ah oo haddana muslimiin ah, ayna iska dilaan dad badan oo aan waxba galabsan.

“War Maxaa la’isku leynayaa maxaa dadka loo dilayaa maxaa dhibaatadaas loo gaysanayaa hadda wax aan cid ka xanuunsaneyo la arag ugu yaraana dhowr boqol oo qof ay ku dhimanayaan waa dhibaato xaqiiqi ah” ayuu yiri Macallin Maxamuud Sheekh Xasan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in culimada Soomaaliyeed ay ka gaabiyeen doorkii ay ka qaadan lahaayeen colaadaasi, wuxuuna ugu baaqay inay u istaagaan xalka.

“Dhibaatada jirto ayaa waxa ay tahay doorkii culimada ayaa meesha laga waayay, waxaana leeyahay culimada doorkoodii hasoo celiyaan” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Waxaan leeyahay qaddiyooyinka noocaas oo kala ah waxaan waydiisaneynaa mar dambe in aysan ka dhicin dadka muslimiinta ah waa dad aan meel kala aadeyn”.

Hoggaamiyaha Ahlu-sunna ayaa ugu dambeyntii baaq culus u diray beelaha dagaalamaya, wuxuuna ka dalbaday inay ka waantoobaan dagaalka ay isku laynayaan.

“Waxaan soo jeedineynaa oo magaca Ahlu-sunna Waljamaaca kusoo jeedineynaa ummaddu inay ka waantowdo waxaan oo kale, dib dambana aysan uga dhicin” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ay socdaan dadaallada lagu heshiisiinayo beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamayaa agga deegaanka Laadheer oo u dhexeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

WARARKA