spot_imgspot_imgspot_img

burcad-badeedii Afduubka ka qaadatay Markabka MV Abdullahi Nin kamid ahaa oo la qabtay

Sabti 15 June 2024 {HMC} Ciidanka booliska maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu ka mid ahaa burcad-badeedii afduubatay markabka MV Abdullah ee laga lahaa dalka Bangladesh.

Booliska Puntland qoraal kasoo baxay ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheesan oo ay fuliyeen kusoo qabteen Maxamed Cali Aadan oo ku eedeysan in uu ka mid ahaa burcad-badeedii billo kahor afduubatay markabka MV Abdullah.

Howlgalka lagu qabtay eedeysanaha katirsanaa koox burcad-badeed ah oo ka jira deegaannada Puntland ayaa ka dhacay deegaanka Yibaayil oo ka tirsan degmada Dangorayo, booliiska ayaana raadinaya xubno kale oo burcad-badeed ah.

Markabka MV Abdullah oo la afduubay 12 March 2024 ayaa la siidayay 13 April, kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho ah oo gaaraysa 5 malyan oo doolar.

WARARKA