spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Federalka Soomaaliya oo soo dhaweysay tallaabadii uu qaaday Madaxweynaha Galmudug

Jimco june, 14, 2024 (HMC) –  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay dadaallada nabadeed ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ka dhex waddo beelaha walaalaha ah ee colaadda ku dhexmartay deegaanka Laandheer ee gobolka Galgaduud.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu yiri, “Wasaaradda waxa ay bogaadinaysaa dadaallada nabadeed ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ka dhex waddo beelaha walaalaha ah ee colaadda ku dhexmartay deegaanka Laandheer ee gobolka Galgaduud iyada oo dhinacyada ku adkeyneysa xoojinta xabad-joojinta iyo in si dhameystiran loo fuliyo qodobbada heshiiska.”

Sidoo kale warka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sii yiri, “Wasaaraddu, oo daba socota baaqeeda 8-ddii bishan waxaa ay xal u helidda colaadda shir kala gashay hey’adaha Beesha Caalamka ee taageera nabadeynta iyada oo uu Wasiirku faray in si degdeg looga jawaabo isla markaana Galmudug lagu taageero wax kaqabashada colaadda Laandheer.”

Wasaaradda ayaa ugu baaqday dhamaan hey’adaha ka shaqeeya samafalka nabad dhiska in ay taageeraan gogosha nabadeynta ee ay fidisay Galmudug, dhammaanna mas’uuliyad la iska saaro soo afjaridda colaadda.

Todobaadkaan gudihiis ayaa waqooyiga gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay dagaal beelood oo u dhaxeeya laba beelood oo halkaas wada daga, iyada oo dagaalka uu qaatay in ka badan lix saac ay ku geeriyoodeen in ka badan 50 xubnood oo labada dhinac.

WARARKA