spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay saraakiil militeri iyo hoggaano Cusub

Khamiis june, 13, 2024 (HMC) – Dikreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu magacaabay hoggaano iyo talisyo cusub oo ku soo biiray taliska guud ee ciidanka xoogga dalka.

Qorshaha lagu magacaabay talisyadaan ayaa ku yimid dib u habeyn iyo dardargalin lagu sameynayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale qorshahaan waxaa soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxaana lagu soo saaray Xeer Madaxweyne.

Talisyada cusub ee lagu soo biiriyey Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kala ah, 1-Taliska Ciidanka Gaarka ah ee CXDS, 2-Taliska Tababarada CXDS, 3-Taliska Sahanka & Wardoonka CXDS, 4-iyo Taliska Taakulada Guud ee CXD.

Talisyadan ayaa waxaa loo kala magacaabay S/Guuto Axmed Cadullaahi Sheikh (Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah)

G/Sare Axmed Ciise Axmed (Taliyaha Taliska Tababaradda),

G/Dhexe Axmed Cabdulaahi Nuur Beeryare (Taliyaha Taliska Sahanka & Wardoonka),

G/Dhexe Ibraahim Maxamed Maxamuud (Taliska Taakulada Guud ee CXDS).

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay in ay halkaas ka sii amba-qaadaan dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka.

WARARKA